3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 9 , 2017
Dadka ku dhaqan degmada Caabudwaaq oo beeniyay in deegaannadooda ay soo galeen Al-shabaab

 

Sabti, December, 09, 2017 (HOL) - Qaar ka mid ah Shacabka ku nool degmada Caabudwaaq ee Galmudug ayaa beeniyay in Xubno ka tirsan Al-shabaab ay galeen degaano hoos yimaada Magaalada Caabudwaaq.

Odayaasha dibadbax ka qeybgaly ayaa sheegay in waxba kama jiraan yihiin warar soo baxay oo sheegaya in deegaanno hoostaga degmada Caabudwaaq gabaad ka dhiganayaan saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Waxgardka ayaa intaa ku daray in aysan Aqbali doonin in Al-shabaaab ay soo galaan Caabudwaaq, islamarkaana ay la dagaallami doonaan.

Maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta qaar waxa ay sheegeen in xubno ka tirsan Al-shabaab ay gaareen degmada Caabudwaaq, taasoo ay beeniyay bulshada ku dhaqan deegaanka.

Todobaadydii ugu danbeeyay waxaa gaaray qeybo ka mid gobolada dhexe boqolaal ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab oo la sheegay in ay ka baxsanayaan duqeymaha is daba jooga ah ee diyaaradaha Mareykanku ku hayaan saldhigyada ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/9/2017 10:16 AM EST
Sabti, December, 09, 2017 (HOL) – Cayaartooyda kooxda Kubadda Cagta Koonfur Galbeed ayaa 1-0 uga badisay Kooxda Kubadda Cagta Hirshabeelle lugtii labaad tartanka Maamul gobolleedyada dalka.

12/9/2017 7:22 AM EST
Sabti, December, 09, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga.

12/9/2017 3:37 AM EST
Sabti, December, 09, 2017 (HOL)-Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Maalinta Qowmiyadaha Itoobiya, isagoo matalayay dowladda Soomaaliya.

12/9/2017 2:49 AM EST
Sabti, December, 09, 2017 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed weerar ku qaadeen Saldhig Ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaan dhaca duleedka degmada Buur-Hakabo ee Gobolka Baay.

12/9/2017 12:46 AM EST
Sabti, December, 09, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay shirka Ganacsiga Afrika, oo ka dhacay magaalada Sharma Sheikh ee dalka Masar, kaasoo ay ka soo qeyb galeen Madax ka tirsan Qaaradda Afrika.

12/9/2017 12:19 AM EST
Sabti, December, 09, 2017 (HOL) - Wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya ayaa lumisay lacag ka badan 1.7 milyan oo dollar, ka dib musuq maasuq ka dhashay kabo loo iibinayay booliska dalkaasi, sida lagu ogaaday baaritaan rasmi ah oo la sameeyay.

12/9/2017 12:16 AM EST
Sabti, December, 09, 2017 (HOL) - Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe, Nickolay Mladenov, ayaa ka digay in tallaabada Maraykanka ay dhalin karto dhibaato aan la mahdin oo ka dhex billaabata Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

12/9/2017 12:10 AM EST
Sabti, December, 09, 2017 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in diyaarad siday ku dhawaad 92 qof oo Soomaali ah oo laga masaafuriyay dalka Mareykanka in diyaaradii siday ay cilad ku timid.