Sabti, December, 09, 2017 (HOL) - Wasaaradda arrimaha
gudaha ee Kenya ayaa lumisay lacag ka badan 1.7 milyan oo dollar, ka dib musuq
maasuq ka dhashay kabo loo iibinayay booliska dalkaasi, sida lagu ogaaday
baaritaan rasmi ah oo la sameeyay.
Warbixin uu soo saaray
hanta-dhowrka guud ee Kenya, Edward Ouko, ayaa lagu sheegay in qaar badan oo ka
mid ah booliska Kenya ay xiran yihiin kabo dhammaad ah, halka qaar kalena ay
iskood usoo iibsadaan kabaha, arrintaasi oo khilaafsan sharciga booliska.
Waxaa sidoo kale warbixinta
lagu sheegay in si weyn sare loogu qaaday qiimaha ay wasaaraddaasi kusoo
iibsatay kabaha, ayadoona rasiidhada lacagtaasi lagu bixiyaya ay u badannaayeen
kuwo been abuur ah.
Diiwaanka wasaaradda ayaa laga
ogaaday in qorshuhu ahaa inay soo iibsato 26,500 oo kabo, balse ay soo gadatay
78,000 kabo.
Mas'uuliyiinta wasaaradda ayaa
sheegay in kabaha dheeraadka ah ay ugu talagaleen booliska cusub ee aan
tababarka dhamaysan.
Kenya ayaa sanadkan waxaa ka
dhacay fadeexooyin waaweyn oo musuq maasuq ah, mana jiraan mas'uuliyiin sarsare
oo loo maxkamadeeyay.
BBC