Jicmo, December, 08, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw ku soo
idlaatay Garoonka Banaadir Stadium Cayaar
xiiso badan oo dhaxmartay labada Kooxood ee Banaadir iyo Jubaland oo ku soo
idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Xidigaha Gobolka Banaadir.
Dawaashada Cayaartan oo
aheyd mid aad u xiiso badneyd waxaa ka qeybgalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda
Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha
Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.
Sidoo kale waxaa Garoonka
ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolleedka Jubaland.
Cayaartooyda Jubaland
inkastoo ay dhaliyeen 1 Gool oo kaliya, haddana waxaa ay soo bandhigeen Cayaar
heerkeedu sareeyo, waxaa jiray wararo is daba joog ah oo mar walba ay ku
qaadayeen Goolka Kooxda Gobolka Banaadir.
Maalinta Berri ah ayaa la
filayaa in ay is arkaan Kooxaha Hirshabeelle iyo Koofur galbeed oo yeelan doona
kulan siweyn loo wada sugayo.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]