4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 8 , 2017
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeybgalaya xuska maalinta Qowmiyadaha Itoobiya

 

Jicmo, December, 08, 2017 (HOL) - Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Dawladda Itoobiya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas Amb. Maxamed Cali Nuur.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa ka qayb gali doona munaasabada xuska 12aad ee 29-ka Hidhaar maalinta Qowmiyadaha dalkaas Itoobiya oo maalinta bari ah ka qabsoomi doonta xarunta dawlad deegaanka canfarta ee magaalada Samara, waxuuna halkaas ka jeedin doonaa khudbad.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ka soo qeyb gali doonaan wufuud ka kala socota dalalka caalamka oo lagu martiqaaday xuskan.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa inta uu joogo dalka Itoobiya waxuu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda dalkaas, iyagoo ka wada hadlaya xiriirka, iskaashiga iyo arrimo kale oo muhiim u ah labada dawladood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]