Khamiis, December, 07, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa sheegaya in xooogag ka tirsan Al-shabaab isku dhiibeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee halkaa ku sugan.
Saraakiisha maamulka degmada Diinsoor ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalyahanno Al-shabaab ah oo wata gaari tikniko ah isku soo dhiibeen.
“Waxaa ciidamadeena isku soo dhiibay xubno ka tirsan Al-shabaab oo watay gaari Cabdibile ah iyo hubkooda,waxaa ay ka kooban yihiin darawalkii gaariga iyo 5 qof oo hubeysan ayeey sheegeen saraakiisha degmada Diinsoor.
Isa soo dhiibista xubnaha ka tirsan Al-shabaab ayaa imaneysa xilli uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo Sheekh Muqtaar Roobow oo hore ugaga tirsanaa saraakiisha sarsare ee Al-Shabaab basle dhowaan wadahadalo uu la galay dowlada uu ku yimid magaalada Xudur.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]