4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 7 , 2017
Shirka golaha guud ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la soo xiri doono bishan

 

Khamiis, December, 07, 2017 (HOL) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waddaa in uu gallay fasax Labo Bilood ah, iyadoo la soo xiri doono kulamada Guud ee Baarlamaanka, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Jawaari ayaa sheegay in 16-ka bishan la hakinayo kulamada guud, isla markaana fasax la geli doono.

Waxaa uu sheegay in ajandayaasha muhiimka ee u haray ay ka doodi doonaan illaa 16-ka bishan, xilligaasoo si rasmi ah loo soo xiri doono Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka.

Jawaari ayaa sheegay in marka la hakiyo kulamada Golaha shacabka ay tahay marka ugu shaqada badan tahay, isla markaana labada bilood ee fasaxa lagu maqan yahay Xildhibaan walba uu aadi doono deegaankii laga soo doortay. ‘

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]