4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 7 , 2017
Madaxweyne Farmaajo : Ahlu Sunna mar walba waxey mudneyd in loo mahad celiyo

 

Khamiis, December, 07, 2017 (HOL)– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadii ay heshiis ku kala saxiixdeen Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa sheegay in heshiiskan uu soo maray marxalado kala duwan.

“Dib u heshiisiintan muddo ayay soo socotay laga soo bilaabo Caleema saarka oo aan casuunnay Sheekh Shaakir iyo nidaamkiisa, maalintaas illaa iyo hada ayay soo socotay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay mudan tahay in mar walba loo mahad celiyo, isla markaana ay ahaayeen cidii la dagaashay Al-shabaab oo dareensiisay inay dhiman karaan oo ay dhaawacmi karaan, iyagoo kula dagaalamay Caqiido sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Galmudug tanaasulka uu sameeyay iyo sida uu awooddiisa u qeybiyay.

“Madaxweyne Xaaf isaga kaliya ayaa wax bixiyay, waa ninka awoodiisa qeybiyay ee ma ahan Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, marka saas in loo ogaada loo baahan yahay, waana qeyb ka mid ah tanaasulka”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in tallaabada maanta la gaaray ay ka soo bilaabatay dib u heshiisiintii Jabuuti ee sanadkii 2009-kii iyo isku darkii labadii baarlamaan ee dowladdii KMG aheyd, ayna maanta ka dhalatay dowlad joogto ah oo shacabka doortaan.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii u rajeeyay shacabka Galmudug mustaqbal wanaagsan, isagoo tilmaamay in dowladda Federaalka ay dadaal xooggan ku bixin doonto sidii loo taageeri lahaa maamulkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]