4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 7 , 2017
Go’aankii Donald Trump oo cambaareyn caalami ah loo jeediyay

 

Khamiis, December, 07, 2017 (HOL)– Dhaleeceyn Caalami ayaa loo joojiyay Go’aanka Trump ee caasimada Israa’iil uu ugu aqoonsaday magaalada Quddus, waxaana tallaabadan uu qaaday madaxweynaha Mareykanka siweyn uga galgishay in badan oo ka mid ah dunida Muslimka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in ku dhawaaqista u sameeyay Trump ay tahay mid cadaalad daro iyo mas’uuliyad daro.

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska iyo Hoggaamiyaha Jarmalka ayaa labadaba sheegay inay ka soo horjeedaan tallaabada uu qaaday Mareykanka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Najib Razak ayaa ugu baaqay Muslimiinta inay caddeeyaan mowqifkooda ku aadan inay ka soo horjeedaan tallaabada Mareykanka.

Dibad baxyo looga soo horjeedo Mareykanka iyo Madaxweyne Trump ayaa ka dhacay daanta Galbeed, halkaasoo lagu gubay sawirka iyo Calanka Mareykanka.

Dibad baxayaal careysan ayaa ku hor banaan baxay Safaaradda Mareykanka ku leeyahay istanbul, iyagoo ku qeylinayay erayo ka dhan ah Trump.

Sideed ka mid ah 15 xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in kulan degdeg ah laga yeesho dhamaadka isbuucan go’aanka Mareykanka uu ku gaaray in Quddus ay tahay Caasimadda Israel.

Balse Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa soo dhoweeyay go’aankiisa, isagoo ku tilmaamay maalin taariikhi ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]