6/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 6 , 2017
Sheekh Shaakir oo markii ugu horeysay qabanaya xil ku cusub qaab dhismeedka maamul gobolleedyada

 

Arbaco, December, 06, 2017 (HOL)– Heshiiska ay maanta kala saxiixdeen maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca ayaa noqonaya mid ku soo kordhiyay xil cusub marka la eego qaab dhismeedka maamul gobolleedyada dalka ka jira.

Heshiiska ayaa waxaa ku cad in hogaamiyaha maamulka Ahlu Sunna Wajameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan markii ugu horeysay Galmudug ka qabanayo xilka wasiirka koowaad oo awoodaha la siiyay la oran karo waa mid u muuqaal eg ‘Ra’iisal Wasaare ‘’ oo kale inkastoo magacaa aan lagu muujin heshiiska.

Madaxweynaha Galmudug ayaa soo dhisi doona xubnaha Golaha Wasiiradda isaga oo la tashanaya madaxweyne ku-xigeenkiisa iyo Wasiirka Koowaad oo noqonaya Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo marka danbe awood u leh in uu Golaha Baarlamaanka  horgeeyo Wasiirrada cusub si ay codka kalsoonida siiyaan.

Sheekh Maxmed Shaakir ayaa sidoo kale shir guddoomin doona fadhiyada Golaha Wasiirrada, sidoo kalana waxaa uu talo ku yeelan doonaa xil ka qaadista xubinta ka tirsan Golaha Wasiiradda, iyadoo madaxweyne Xaaf uusan awood u yeelan doonin in uu xil ka qaadis sameeyo isaga oo kala tashan Ku-xigeenkiisa iyo Wasiirka Koowaad.

Marka la eego maamul gobolleedyada dalka ka jira shirarka Golaha Wasiiradda waxaa shir guddoomiye madaxweynaha, laakiin waa markii ugu horeysay ee Golaha Wasiirrada mid ka mid ah maamul gobolleedyada dalka Soomaaliya uu shir guddoomin doono Wasiirka Koowaad ama Madaxa xukuumadda .

Faa’iidada kale ee Ahlu Sunna heshiiskan ugu jira ayaa waxaa ka mid ah in ay dhankooda  soo magacaabi doonaan guddoomiyaha maxkamada sare oo ka mid ah Awoodaha ugu sareeya maamulka,

Sidoo kale waxaa ku cad heshiiska in leys waafajin doono labada Astaan ee Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca, inkastoo la sheegay in aan wax ka badal lagu sameyn doonin Calanka iyo magaca Galmudug.

Ugu danbeyntii dhamaan qoddobadan lagu heshiiyay ayaa la sheegay in lagu fulin doono magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta u ah maamulka Galmudug

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]