4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 6 , 2017
Galmudug iyo Ahlu Sunna oo heshiis ku kala saxiixanaya magaalada Muqdisho

 

Arbaco, December, 06, 2017 (HOL) – Waxaa xiligan ka soconaya xarunta madaxtooyada Vila Soomaaliya Munaasabad lagu saxiixayo dhameystirka heshiis ay horay dalka Jabuuti ugu soo gaareen maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Waxaa jooga munaasabada oo ka qeybgalaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir ayaa la filayaa in goor dhow ay heshiiska qalinka ku duugaan.

Sidoo kale waxaa munaasabada ku sugan oo ka qeybgalaya Madaxda maamul goboleedyada dalka oo goobjoog ka ah saxixa heshiiska.

Qodobada Heshiiska ay gaareen labada dhinac ayaa la filayaa in laga Akhriyo munaasabada saxiixa heshiiska.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]