Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay heshiisyada Soomaaliya la gashay Qatar iyo Mareykanka
Arbaco, December, 06, 2017 (HOL) – Madaxweynaha
dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in
heshiisyada horumarineed ee Soomaaliya ay la saxiixatay dowladaha Maraykanka
iyo Qatar ay yihiin kuwa ka tarjumaya horumarka ay dowladdu ka samaysay dhanka
xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah.
“Heshiisyada horumarineed ee aan la galnay
Mareykanka iyo Qatar waxay si xoojinayaan xiriirka haatan naga dhaxeeya
dowladahaas, waxa ayna caddayn muuqata u tahay sida uu u sii xoogaysanayo
iskaashiga iyo xirriirka aan caalamka la leenahay iyo kalsoonida lagu qabo
hay’adaha dowladda.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey heshiisyada
horumarineed ee dhawaan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo
Hay’adda Dowladda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID) oo
lacag dhan $300 milyan ku bixineysa arrimaha maamul wanaagga, kobcinta
dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka.
Sidoo kale, Sanduuqa Horumarinta iyo Hay’adda
Gargaarka ee Dowladda Qatar ayaa iyagana sameynaya maalgelin ay ku kaceyso lacag
dhan $200 milyan oo loo qorsheeyay dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha,
xarumaha dowladda iyo shaqo abuurka dhallinyarada.
“Maal-gelinta iyo taageerada horumarineed ee intaa
le eg ma ahan mid ku kooban dib-u-dhiska dalka oo kaliya ee waa mid kor u qaadaysa
kaabayaasha dhaqaalaheenna, taas oo dhabaha u xaareysa in nolol wanaagsan ay
helaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay markhaati u tahay dadaalka aan ku bixineyno
in ay Soomaaliya ka hana qaado nabad iyo barwaaqo la isku halleyn karo.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku
ammaanay Xukuumadda uu hogaamiyo Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre dadaalka ay
ku bixinayso dhammaysitrka heshiisyadan isagoona guul weyn ku tilmaamay in
muddo hal toddobaad gudihiis ah ay Soomaaliya la saxiixato dowladaha Mareykanka
iyo Qatar maalgelinta mashaariic horumarineed oo isku darkoodu ay ku baxaysa
lacag dhan 500 oo milyan oo Doolar.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]