4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 6 , 2017
Khilaaf soo kala dhaxgalay Kooxda Fanka ee Xidigaha Geeska iyo Jawaabta Abwaan Laab Saalax

 

Arbaco, December, 06  2017 (HOL) – Kooxda Fanka ee Xiddigaha geeska ayaa khilaaf soo kala dhexgalay awgeed xilkii ka qaaday gudoomiyaha kooxdoodda Abwaan Xasan Laabsaalax.

Guddida fulinta ee kooxda Xiddigaha geeska shir ay yeesheen ayaa lagu go’aamiyey in xilkii gudoomiyenimo laga qaado, isla markaaana si ku meel gaadh ah loogu dhiibay xoghayihii kooxda Maxamed Bakaal Cirro oo inta gudoomiyenimo la dooranayo isagu sii maamuli doono kooxda.

“ shir ay isagu yimaadeen gudida fulinta ee kooxda Xiddigaha Geeska iyo xubnaha kooxdu waxay xilkii gudoomiyenimo ee kooxda cod gacan taag ah kaga qaadeen Gudoomiyihii hore ee kooxda xidigaha geeska Xasan Saleebaan Maxamed ( Laab Saalax) ka dib markii uu gudan waayay waajibaadkii shaqo ee kooxdu u igmatay sida uu dhigayo sharciga kooxdu.Islmarkaa waxay kooxdu cod gacan taag ah ku sime gudoomiye ugu doorteen xoghayaha kooxda Maxamed Axmed Bakaal Cirro)”sidaas waxa qoraal ku soo saaray gudida fulinta kooxda xidigaha geeska.

Dhinaca kale, Gudoomiyihii xilka laga qaaday Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa sheegay in isagu hawlo u gaar ah darteed uu shaqaddii fanka iyo hawlihisa kale isku wadi kari waayey,isla markaana go’aansaday inuu gudoomiyenimadii kooxda wareejiyo.

“ lixdii sano ee kooxdu jirtay sideed bilood mooye intii kale aniga maamulayey, culayska fanka uu leeyahayna tahay mid adag, in la isku hayo rag wada caan ah oo aad maamushid wax fudud maaha, waxaanay si ixtiraam iyo wada shaqayn fiican mudadaasi ila soo shaqeeyeen asxaabtaydu”ayuu yidhi Laabsaalax oo ka hadlayey xil ka qaadistaasi lagu sameeyey.

 

Mar uu ka hadlayey sababta ugu weyn ee uu xilka uga tagay waxa uu yidhi “Laba toddobaad kahor ayaan mid mid iyo si wadar ahba ugu sheegay in aanan gudoomiye ka sii ahaanayn xiddigaha geeska hawlahayga gaarka ah darteed, laba qodob ayaan ka xusi karaa sababta gudoomiyaha uga degay, horta nolosha hiigsi ka fog ka fanka ayaan ka leeyahay jaamacadan baan dhigtaa wakhtigii faraha badna ee aan fanka siinayey ama xiddigaha galin jiray waxaan jeclahay inaan nolosha kale galiyo, qodobka labaadna waxa weeyi waxaan ahay nin aabo ah caruurtaydu Ingiriiska ayey deganaayeen gabi ahaanba waan ka soo raray oo halkan ayey hadda degan yihiin, waxay u baahan yihiin in wakhti la siiyo in madarasada iyo iskuula la geeyo arrimahaasi waxay keeneen in aan isku wadi kari waayey hawlihi kooxda ee taagna mar walba iyo hawlihii gaarka ii ahaa”

Si kastaba ha ahaatee, khilaafkan soo kala dhexgalay ayaan si cad usoo shaac bixin, waxanay labada dhinacba si taxadar leh iskaga dhowreen inay cadeeyaan halka khilaafka ka yimid iyo sababta xilka looga qaaday gudoomiyihii hore ee kooxda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland