4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 6 , 2017
Itoobiya oo lagu eedeeyay inay fayras ku weerartay mucaaradkeeda

 

Arbaco, December, 06, 2017 (HOL) – Hay`adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Right Watch ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in xukuumadda Itoobiya ay fulisay weerarro cusub oo dhanka Internetka ah, kaas oo loogu kuurgalayo cambaareynta dowladda uga timaadda dibadda.

Ololahan weerarka fayraska ee dowladda, ayaa lagu beegsanayaa dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha iyo mucaaradka Itoobiya.

Sida ay sheegtay HRW, weerarradaas ayaa daba socda taariikh dheer oo la xiriirta dadaallo kuwan la mid ah oo ay dowladdu ugu kuur galeysay xasaradaha gudaha iyo bannaanka Itoobiya.

Sida ku cad falanqeynta, weerarrada oo billowday sanadkii hore ayaa dad badan oo kuwa bartilmaameedka ahaa loo diray email-llo lagu doonayay in xogtooda lagu helo, dadkaas waxaa ka mid ahaa dhowr qof oo xuquuqda banai`aadamka u dhaqdhaqaaqa iyo aqoon yahanno ka soo jeeda qowmiyadda Oromada.

Inta ololahan uu socday ayaa warbixinta lagu sheegay in dibad baxyo ballaaran ay ka jireen Itoobiya, laga soo bilaabo dibad baxyadii Oromada ee hareeraha magaalada Addis Ababa, kaas oo horseeday bandow socday muddo toban bilood ah, balse la qaaday bishii August ee sanadkan.

Emaillada dadkan loo soo diray ayaa loogu sheegay inay soo dejistaan barnaamij, marka ay sidaa sameeyaan ayaa waxaa kumbiitarradooda gaarka ah saameynaya fayras xogta ka qaadaya.

Inkastoo sanadihii ugu dambeeyay xoogaa horumar ah laga sameeyay, haddana waxaa weli liita xakameynta iibka barnaamijyadan dadka lagu jaajuuso, tan oo ay caddeyn u tahay iibsashada ay dhowrka jeer iibsatay Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaan ka hadlin eedeynta loo jeediyay oo la xiriira weerarka mucaraadka ka soo horjeeda dowladda.

BBC