4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 6 , 2017
Taliye lagu dilay Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo

 

Arbaco, December, 06, 2017 (HOL) – Maamulka gobolka Mudug ee dowlad gobolleedka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay taliyihii saldhiga degmada Gaakacyo Cali Ibraahim Cali Magafe

Qaraxan ayaa ka dhacay Dhabarka dambe ee Waddada marta Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland.

Taliyaha ayaa marka uu qarxay gaarigiisa uu ku sii jeeday goobtiisa shaqo sida ay sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada gobolka Mudug.

Goobta Qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska Puntland, kuwaa oo goobta ka qaaday dhaawaca sarkaal Cali Magafe, isaga oo markii danbe u geeriyooday dhaawacihii soo gaaray.

Al Shabaab ayaa Qaraxyo iyo dilal qorsheysan la eegta Saraakiisha ciidamada Booliska Puntland ee ku sugan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]