4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 6 , 2017
Nabadoon xalay lagu dilay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Arbaco, December, 06, 2017 (HOL) - Laba dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay fiidkii waxaa ay xaafad ka tirsan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha ku dileen Nin da’ahaa, kaasi oo lagu magacaabi jiray Sayidnaa Xaajow Muukow oo caan ka ahaa magaalada gaar ahaan xaafadii uu deganaa ee Saqaawu-Diin.

Ragga dilka geystay ayaa waxaa ay Sayidnaa u dileen si farsameysan, kaddib markii ay isaga dhigeen dhigeen dhalinyaro kubad cayaareysa, kadibna markii Masjidka uu ka soo baxay oo inyar uu soo socday ay rasaas hubiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha hoose la hadlay warbaahinta ayaa sheegay ninka la dilay in horey uu u ahaa Janan ka tirsanaa dowladdii dhexe, hadana uu ahaa howlgab, oo 91-dii ay ugu dambeysay siyaasad.

Guddoomiyah gobolka ayaa intaa ku darray in dilka nabadoonka ay ka danbeeyeen Ururka Al-shabaab, hadana Ciidamada ay ku daba jiraan raggii ka dambeeyay falkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]