4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 6 , 2017
Madaxda Carabta oo fariin digniin ah u diray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

 

Arbaco, December, 06, 2017 (HOL) – Xili lagu waddo in madaxweyne Mareykanka Donald Trump uu ka hadlo go’aankiisa ku aadan in safaarada Mareykanka ee Israil loo raro Qudus, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya digniinno arrintaa ku saabsan oo loo dirayo madaxweynaha.

Afhayeenka aqalka cad ayaa sheegtay in madaxweyne Trump uu aad ugu adkaa fikirkiisa arrintaan ku saabsan.

Tiro Hoggaamiyeyaasha Carabta ah ayaa dhammaan madaxweyne Trump uga digay si toos ah wax ay u arkaan cawaaqib xummo ka dhalata tallaabadan.

Boqor Salmaan-ka Sucudi Carabiya ayaa u sheegay Trump in tallaaba noocaan ah oo la qaado ka hor inta aan laga gaarin heshiis nabadeed oo kama dambeys ah ka dhalan karto falcelin ka timaada muslimiinta.

Dowlada Turkiga ayaa dhinaceeda  ku hanjabtay inay u goynayso xiriirka  diblamaasi dowlada Israel haddii uu Trump u aqoonsado Qudus caasimada  Israel.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]