Wiil uu dhalay Cali Cabdalla Saalax oo wacad ku maray in uu ka Aargoosanayo Xuuditiyiinta
Arbaco, December, 06, 2017 (HOL) – Iyadoo aad moodo in dagaalka Yemen uu
yeeshay waji kale kaddib dikii madaxweynihii hore ee dalka Cali Cabdalla Saalax
ayaa wiil uu dhalay oo lagu magcaabo Axmed Cali Cabdalle waxaa uu sheegay in uu ka Aargoosan doono Xuutiyiinta
dilay Aabihii iyo dowladda Iiran intaba.
Waxaa uu sheegay in uu horkici doono dagaalka looga xoreynayo dalka Yemen
Jabhada Xuutiyiinta, waxaana uu intaa ku darray in dilka Aabihii Dhagaha Iiraan
ku noqon doono Naar waa sida uu hadalka u dhigay.
Magaalada Sanca ayaa maalintii shalay degeneyd kaddib markii duqeyntii ay
huwanta Sacudiga joojiyeen waxaana maalmihii la soo dhaafay magaaladaas ka
dhacayay dagaal xoog leh kuwaasoo geystey qasaare laxaad leh.
Hasse ahaatee kooxda Xuutiyinta ayaa dabaaldegyo ka dhigayay maanta oo dhan
magaalada Sanca iyagoo ku faraxsan dilka Cali Cabdalle Saleh maadaama uu ahaa
hogaamiye dhuunt u galay Xuutiyiinta afartankii sano ee la soo dhaafay.
Ururka Jaamacada Carabta ayaa cambaareeyay dilka madaxweynihii hore ee dalka
Yemen Cali Cabdalle Saleh. Sidoo kale Madaxweyaha Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi
oo jooga magaalada Riyadh ayaa ku baaqay in shacabka Yemen ay kacaan kana soo
horjeestaan Xuutiyiinta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]