Ra’iisal wasaare Kheyre oo bogaadiyay taageerada mashaariicda hormarineed ee dowladda Mareykanka
Arbaco, December, 06, 2017 (HOL) -- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali
Khayre ayaa bogaadiyey Taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee dawladda
Mareykanku ay la garab taagan tahay Soomaaliya, kaddib heshiis horumarineed oo
ay kala saxiixdeen Dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo ku kacayaa lacag
dhan $ 300 Milyan oo Dollar.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay heshiiskan in uu yahay horumar iyo
tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- dhiska iyo dib-u-soo kabashada
Soomaaliya, waxaana uu ku ammaanay dawladda Mareykanka sida ay uga go’an tahay Taageeradooda
aan shuruudu ku xirnayn.
“Maanta waa maalin kale oo macne ku yeelan doonta mustaqbalka, dawladnimada,
nabadda iyo horumarinta Soomaaliya, waxaan uga mahadcelinayaa dawladaha aan
saaxiibada nahay taageerada ay la garab taagan yihiin dawladda iyo shacabka
Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dawladdu ay xaqiijin doonto
mashaariicda horumarineed ee heshiiskan in ay u fulaan si hufan oo daah-furan
ayna gaari doonto dalka oo dhan.
“Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii saxda ahaa ee dib-u-dhiska, waxaan
leenahay hay’ado shaqeynaya oo adduunku kalsooni ku qabo diyaarna u ah
isla-xisaabtan iyo daah-furnaan” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Khayre.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]