4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 5 , 2017
Dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis hormarineed oo ku kacaya $ 300 oo million

Talaado, December, 05, 2017 (HOL) – Dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa maanta kala saxiixday heshiis taariikhi ah waxaana goob-joog ka ahaa munaasabada heshiiskan lagu saxiixay Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Hishiiskan, ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo xiriirka caalamiga ah, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, iyaddoona uu goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre.

Dhanka Mareykanka waxaa joogay ku xigeenka USAID ee Qaarada Afrika Julie Koenen iyo Safiirka Mareykanka Martin Dale.

Heshiiskan waxaa uu ka dhigan yahay kii ugu horeeyay ee labada dhinac ay galaan muddo 30 sano ka badan waana barnaamijkan lagu xoojinayo dowladnimada Soomaaliya, xasiloonida iyo dimoqoraadiyadda.

Heshiiskan ayaa dhigaya in dowladda Soomaaliya laga taageero, Maamulka, Waxbarashada, Kobaca dhaqaalaha iyo howlaha lagu horumarinayo nabadda iyo xasiloonida dalka. Howlaha uu heshiiska dhigayo waxaa la fulinayaa iyada oo ay ka wada shaqeyn-doonaan dowladda federaalka ah.

“Dowladda Mareykanka, waxaa ay aad u taageereysaa dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee lagu soo celinayo xasiloonida, dowlad wanaagga, kobaca dhaqaalaha iyo waxbarashada” sidaa waxaa yiri Julie Koenen.

“ Waxaan rumeysanay in heshiiskan uu ka tarjumayo sida ay nooga go’antahay garab istaagista sidii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon laheyd iyo in la helo hadaf horumarineed oo fog” sidaasi waxaa yiri Martin Dale.

Wasiirka Qorsheynta ee Soomaaliya Jamaal Maxamed ayaa sheegay in maanta uu goobjoog ka ahaa heshiis ay dalka Mareykanka 300 oo Milyan oo doolar la saxiixdeen, kaas oo loogu talo-galay in wax looga qabto horumarka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]