4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2017
Daahir Riyaale Kaahin : Waxaan u imid ka qeybgalka caleemo saarka madaxweynihii badali lahaa madaxweyihii hore ee xilka igala wareegay


Talaado, December, 5 2017 (HOL) – Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo xaaskiisa oo muddaba ku maqnaa qurbaha ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay si uu uga qaybgallo munaasibada xil wareejinta ee madaxweynaha cusub ee Somaliland.

Hogaanka xisbiga KULMIYE, iyo wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku soo dhoweeyey madaarka Hargeysa, waxaanay sheegeen inay ku soo marti qaadeen caleemo saarka lagu waddo inay dhacdo bishan December 13-keedda 2017-ka.

“ Saaka waxa halkan farxad weyn noo ah in masuuliyiintaydan kala duwani qolka nasashada madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport aannu ku soo dhawayno Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo marwadiisa Huda Barkhad Aadan.”ayuu yidhi Maxamuud Xaashi wasiirka madaxtooyadda.

Waxaanu intasaku daray “Madaxweyne Daahir Rayaale waxaannu ku soo marti-qaadnay xaflada caleemo saarka iyo xil-wareejinta Madaxweynaha Somaliland, md Axmed Maxamed Silaanyo iyo Madaxweynaha la doortay md Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, inuu nagala soo qayb-galo, waayo waa Madaxweynihii ku suntanaa geedi-socodka dimuquraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah.”

Wasiir Maxamuud ayaa geesta kalena xusay in Mudane Daahir Rayaale uu ka hadli doono munaasibada caleemo saarka Madaxweynaha cusub waxaanu yidhi “ Waxay ay muujinaysaa sawir qarankan sumcad ugu suntan oo ah laba Madaxweyne oo xilkii ka degay iyo kii sadexaad oo la wareegaya oo madashaa fadhiyi doona, muuqaal weyn ayey qarankan ka muujinaysaa oo dunida kale maanta nasiibkaa aanay haysan, wixii hadal ah ee uu odhan doono, waxa madaxda kale odhan doonto iyo munaasibadaa muuqaalkeeda maalintaas ayeynu ka war sugaynaa.”

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Salaan weyn ayaa halkan shacabka ugu gudbinayaa, waxaanan u imid in aan ka qayb galo haduu Alle yidhaahdo xaflada madaxweynihii aniga i bedelay iyo madaxweynihii ka dambeeyey ay xilka kula kala wareegayaan, taas oo laygu marti qaaday.”

Xukuumadda xilkeeddu sii dhamaanayso ayaa diyaarinaysa xil wareejintii madaxweynaha cusub kala wareegayey madaxweynihii hore, waxaana marti qaadyo loo kala diray dalalka Jaarka si ay caleemo saarka uga soo qaybgallaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland