Madaxweyne Farmaajo “Waxaa naga go’an in aan si wada jir ah ugu wada xisaabtanno qorshayaasha iyo hawlaha aan ku heshiinno”
Talaado, December, 05, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo
ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleystay fulinta
qorsheyaashii Lix biloodlaha ahaa ee ay higsaneysay muddadii koobnayd ee ay
jirtay.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha Muqdisho oo ay ka soo qeyb
galeen ku dhawaad 30 dowladood oo saaxiib la ah Soomaaliya, Saraakiil ka
socotay Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, Madaxda dalka heer Qaran iyo
heer Dowlad Gobolleed ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay dowladda Federaalka
Soomaaliya in ay sii amba-qaaddo qorsheyaasha horumarineed ee loo jeexay
sannadka cusub ee 2018ka.
“Siddeed bilood ka hor, markii aan Xafiiska qabannay waxaan qorsheynay
hiigsi lix biloodle ah oo ku aaddan sidii aan u yagleeli lahayn hannaan isbadel
oo ku dhisan daah-furnaan, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta ammaanka iyo
xakamaynta musuq-maasuqa. Si taas loo gaaro waxaan guda galnay diyaarinta
sharciyadii nagu hagi lahaa arrinkaas oo ilaa haatan waxaan u gudbinnay
Baarlamaanka sharciyo gaaraya 15 Sharci, halka Toban kalena ay qabyo yihiin.”
Madaxweynaha ayaa sheegay in sharciyada la horgeeyey Baarlamaanka ay asaas u
yihiin tiirarka dowlanimada maadama ay ku saabsanyihiin dhinacyo muhiim u ah
nolasha shacabka sida Sharciga Isgaarsiinta, Shaciga la-dagaalanka
Musuq-maasuqa, Sharciga la-dagaallanka argagixisada iyo Sharciga maamulka
Lacagta Dowladda.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dowladdu ay ku guuleystay
dhaqaajinta qorshayaasha dib u eegista dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka
sannadka 2020ka oo ah qorsheyaal u baahan xasillooni siyaasadeed oo ka jirta
dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu ku boggaadiyey Beesha Caalamka iyo Qurba
Joogta Soomaaliyeed kaalinta ay ka qaadanayaan qorsheyaasha horumarineed ee
dalka.
Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaan dareensannahay in saaxiibadeenna caalamka
aan waydiisanayno in ay khatarta qaataan oo ay Soomaaliya maalgashadaan. Balse
si taas lamid ah waxaa naga go’an in aan si wada jir ah ugu wada xisaabtanno
qorshayaasha iyo hawlaha aan ku heshiinno.”
Shirweynaha Muqdisho oo soconayey muddo labo maalmood ah ayaa waxaa lagu
falanqeeyey hirgelinta qorshaha qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, sidii Ciidamada
Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugala wareegi lahayd amniga dalka Ciidanka
nabad ilaalinta Afrika ee soomaaliya AMISOM, xoojinta hannaanka Federaalka,
doorashooyinka sanadka 2020, kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka,
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]