4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 5 , 2017
Shirweynaha Muqdisho oo wajigisii labaad gallay iyo madaxweynaha oo khubad ka jeediyay


Talaado, December. 05, 2017 (HOL) – Waxaa maalintii labaad ka socoanaya magaalada Muqdisho shirweynaha “Somali Partnership Forum”, waxaana shirka wajigiisa labaad ee maanta diirada lagu saarayaaa, Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Bani’aadanimada iyo qodobo kale.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay horumaradii ay gaartay dowladdiisa lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxaa uu sheegay inay horumar ka sameeyeen arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo hadal qaaday inay dowladdiisa xoogga saari doonto hirgelinta Federaalka, iyo sidii doorasho qabsoonta sanadka 2020.

Waxaa uu ugu baaqay dalalka iskaashiga la leh Soomaaliya inay maalgashi ku sameystaan dalka.

Kulanka ayaa lagu wadaa ugu danbeyntii in uu soo gabagabeeyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaa xilligan khudbado ka jeedinaya wasiiro ka tirsan Xukuumadda, sida Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka hadlay halka uu marayo geeddi socodka dib u eegista Dastuurka

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]