4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 5 , 2017
Isku Aadka Tartanka Cayaaraha maamul gobolleedyada oo la soo saaray

 

Talaado, December. 05, 2017 (HOL) – Waxaa Muqdisho soo gaaray dhammaan maamul Goboleedyada sanadkan ciyaaraya tartankan markii labaad lagu qabanayo Muqdisho.

Haddaba waxaa sanadkan ka qeyb galaya Lix maamul goboleed oo la isugu Aadiyay sidan

Group A:Banaadir, Galmudug iyo Jubaland.

Group B:Puntland, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed.

Puntland oo sanadkii hore ku guuleystay tartanka  maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa gashay Group ay malaha dhib badan kala kulmi doonin.

Tartanka ayaa furmi doona Jimaha soo socota oo ay bisha ku beegan tahay 8-da December waxaana lagu furi doonaa Banaadir iyo Jubaland.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]