4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2017
Xildhibaan-no ka tirsan Baarlamaanka DFS oo Gaalkacyo lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Talaado, December. 05, 2017 (HOL) –5 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shalay gabal gabkii lagu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ka qaybgalaya shirkka Aayo ka talinta beesha Tanade.

Xildhibaanada waxaa Garoonka diyaradaha uga hortagay gudiyada shirka iyo qaar ka mid ah ergooyinka shirka ka qayb-galaya,waxaana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin soo dhawaynta Xildhibaanada Qaranka.

Cabdi-Gaas Khaliif oo ah Xog'hayaha Gudiga Farsamada ee shirka Aaya katalinta Beesha Tanade ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin imaanshaha Xildhibaanada, waxaana uu sheegy in dhawaan shirku furmi doono.

Suldaan Maxamed Jaamac Shire oo katirsan Dhaqanka Beesha Tanade ayaa sheegay in Xildhibaanada ay kusoo dhawaynayaan gacmo furan, isagoona sheegayin Gaalkacyo ay u yimaadeen ka qaybgalka shirka beesha Tanade.

Ugu Dambayntii Xildhiban Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ku hadlayay afka Xildhibaanada ayaa in ay xaalka degaanada laga doortay u kuurgalayaan kana qayb-galayaan shirka ay beesha Tanade isugu imaanayso.  

Faysal M. Hassan
[email protected]