4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 5 , 2017
Axmed Madoobe : Al-shabaab howlgal mideysan ayaa looga adkaan karaa

 

Talaado, December. 05, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay sida Al-shabaab looga guuleysan karo loogana xoreyn karo gobolada dalka oo ay hadda ku sugan yihiin.

Waxa uu sheegay in Al-shabaab looga guuleyan karo in howlgal wadajir ah la qaado oo dhinac walbo laga weeraro Al-Shabaab sida uu Axmed Madoobe sheegay, wuxuuna tilmaamay in ay muhiim tahay in dagaalka Al-Shabaab meel looga soo wada jeesto.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in Madaxda dowladda iyo madaxda Maamul goboleedyada looga baahan yahay in ay la yimaadaan qorshayaal cad cad oo looga maarmayo ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa waxaa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in la dhiso ciidan Qaran oo awood u yeeshay in dalka dhan amnigiisa ay la wareegaan.

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya shir looga hadlayo Amniga iyo dhaqaalaha, waxaana shirkaasi ka qeyb galaya Madaxda sare ee dowladda, madaxda maamul goboleedyada iyo wakiilo ka socda beesha caalamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]