4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 5 , 2017
Jidadka Muqdisho oo maalintii labaad u xiran shirweynaha Amniga Qaranka

 

Talaado, December. 05, 2017 (HOL) – Dadka reer Muqdisho ayaa ku jahweerarsan isku socodka magaalada, iyadoo maalintii labaad aan la ogoleyn dhaqdhaqaaqa dadka iyo gadiidka caasimada.

Gaar ahaan waddada ugu mashquulka badan magaalada ee Maka Al-Mukarama ayaa gabi ahaanba xiran, waxaad arkeysaa dadka oo lugeynaya si ay u gaaraan goobahooda shaqo iyo waxbarasho.

Maalintii shalay waxaa magaalada ka furmay shir heerkiisu sareeyo oo ay ka qeyb galayaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Sidoo kale maanta ayaa la filayaa in u furmo shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya “Somali Partnership Forum” kaasoo looga hadlayo arrimaha siyaasadda, maaliyadda iyo arrimo kale.

Kulan maanta ayaa la filayaa in uu shir guddoomiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo ay khudbado ka jeedin doonaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Beesha Caalamka.

Shirkii shalay ayaa looga hadlayay arrimaha Ammaanka, iyadoo dib loogu eegay qodobadii dhinaca ammaanka ee quseeyay dib u dhiska ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]