Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dowladdihiisu ka go’an tahay dhismaha ciidan Qaran
Talaado, December. 05, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo
khudbad ka jeediyay Shirweynaha ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda federaalka
Soomaaliya ay ka go’antahay dhismaha ciidan qaran oo tiro iyo tayo ahaanba ku
filan in ay amniga kala wareegaan ciidamada nabad Ilaalinta Africa ee
Soomaaliya AMISOM.
Shirkan oo lagu wado in maanta la soo gabagabeeyo ayaa Soomaaliya iyo Beesha
Caalamku waxaa ay dib u eegid ku samaynayaan qorshayaashii ka hirgalay shirkii
Soomaaliya ee London, hirgalinta qorshaha qaab-dhismeedka Amniga Qaranka oo
haatan ay meel wanaagsan maraya howlaha isku dhafka ciidanka iyo sidii dowladda
federaalka Soomaaliya ay ula wareegi lahayd amniga dalka kaddib markii uu soo
gaba-gaboobo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay dhankooda si mug leh u
buuxiyaan kaalinta ay maanta Soomaaliya ka sugayso, gaar ahaan dagaalka ka
dhanka ah argagixisada Alshabaab.
“Waxaa noo muuqata ifafaallo ku aaddan Soomaaliya oo xor ka ah argagixisada,
dhammaanteenna taas ayaan ka midaysannahay oo aan ka leenahay qorshe midaysan,
beesha caalamkana waxa aan ka doonaynaa in ay si buuxda uga soo dhalaasho
ballan qaadyadii Shirkii London.”
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]