4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 4 , 2017
Wararkii ugu danbeeyay dilka madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax

 

Isniin, December, 04, 2017 (HOL) – Sawirro lagu baahiyay Baraha Bulshada ayaa lagu arkayaa meydka qof u eg madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo dhaawacyo halis ah ka gaareen madaxa sare oo ay sidaa qaar ka mid ah maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen.

Qaar ka mid ah Xisbigiisa ayaa sheegay in uu run yahay warka ku saabsan dilka madaxweynihii hore ee dalkaasi Yemen Mr Salah, kaddib duqeyn culus oo loo geystay gurigii uu ka degenaa magaalada Sanca.

Laakiin haddana marka dhinaca kale la eego qaar ka mid ah taageerayaashiisa ayaa laga soo xigtay war ku saabsan in uu nool yahay madaxweynaha islamarkaana uu hogaamiyo dagaalka.

Sabtidii, Saalax wuxuu ku baaqay "in bog cusub la furo" oo uu taageerayo Mr Haadi, haddii isbeheysiga Sacuudiga uu hoggaaminayo ay joojiyaan weerarka Yaman iyo xannibaadda xun ee ay ku hayaan.

Isbeheysiga iyo dowladda Cabdurabah Mansuur Haadi ayaa soo dhaweeyay hadalkaasi. Balse waxaa arintaan siweyn uga carrooday Xuutiyiinta oo sheegay in Mr Salah uu afgembinayo isbeheysiga waligoodna Aamini doonin, madaama markii hore uu la safnaa Xuudiyiinta.

Wararka ku saabsan dhimashada Salah ayaa u muuqda kuwo wali isku dhax yaacsan oo aan la hubin, laakiin haddana marka la eego muuqaalada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa shaki badan galin kara nolasha madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]