4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 4 , 2017
Xuutiyiinta oo sheegtay in ay dileen madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax

 https://hiiraan.com/images/2017/Dec/

Isniin, December, 04, 2017 (HOL) –War goor dhaw laga sii daayay warbaahinta ku hadasha Afka Kooxaha Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in ay xoogaggooda dileen madaxweynihii dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.

Ma jirto cid madaxbanaan oo xaqiijineysa warka ku saabsan dilka Cali Cabdalle Saalax, hasse ahaatee taageerayaashiisa ayaa sheegay in wali uu nool yahay Mr. Saalax, islamarkaana uu hogaaminayo dagaalka.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in sidoo kale la dilay madaxii Amniga madaxweynaha oo lagu magacaabo Hussein Al-Hamidi.

Warkan ayaa soo ifbaxay kaddib markii weerar culus lagu qaaday gurigiisa oo la sheegay in gabi ahaanba la qarxiyay,laakiin waxaa la sheegay in madaxweynuhu xiligaa ka maqnaa guriga

Xaalada ayaa wali ah mid cakiran oo waxaa soconaya dagaal xooggan oo ay bar bar socdaan duqeymo lagu garaacayo magaalada Sanca.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]