4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 4 , 2017
Nuxurka Khudbadihii laga jeediyay shirka looga hadlayo xaalada Soomaaliya ee ka soconaya magaalada Muqdisho

 

Isniin, December, 04, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shir guddoominaya Wajiga labaad ee shirkii London oo maanta si rasmi ah uga furmay Muqdisho ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la xoojiyo taageerada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale,Waxaa madasha ka hadlay madaxda dowlad Goboleedyada dalka,kuwaa soo sheegay in ay door muhiim ah ka qaadan doonaan sugida amaanka dalka iyo in la xoojiyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in diyaar u yihiin in ay qaataan doorkooda ku aadan dhismaha ciidamada Qaranka.

Axmed Maxamed Islaam madaxweynaha Jubbaland oo dhinaciisa khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo go’aamada ka soo baxa shirkan, wuxuuna sheegay in Jabbaland ahaan culeyska heysta uu yahay in horjoogayaasha Al-shabaab gabaad ay ka dhigtaan deegaanada Jubbaland loona baahan yahay in laga xoreeyo guud ahaan dalka.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa qeexay in ay muhiim tahay in la waqtiyeeyo Qorshaha Amniga Qaranka iyo sida loo tababarayo ciidamada si ay ula wareegaan Amniga dalka.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Al-shabaab iyo Burcadbadeeda awooda la wiiqay, isagoo hadalkiisa intaasi ku daray in Galmudug ahaan guul ay ka gaareen shirkii Jabuuti isagoo carabka ku dhuftay in dhawaan ay tagayaan magaalada Dhuusa-Mareeb.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo si kooban shirka uga hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Al-shabaab ay sii taagdareynayaan, islamarkaana uu isagoo cadeeyay in la heysto wado cad oo lagu horumari karo,” Waa in aan dayacin fursadaha aan heysano maanta”ayuu yiri madaxweyne Waare.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in Qaraxii 14-kii October ka dhacay Muqdisho uu ahaa mid xanuun badanaa,isagoo hadalkiisa intaa raaciyay in loo baahan yahay in maamulka Gobolka Banaadir lagu wareejiyo Amniga Gobolka,wuxuuna sheegay in ay sameeyeen qorshe hordhac ah oo lagula soconayo Amniga ilaa iyo heer degmo.

Waxaa sidoo kale,goobta hadalo kooban ka hadlay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka AMISOM iyo u qaabilsanaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kuwaasoo sheegay iney garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxayna dhiira geliyeen dhismaha Ciidanka Amniga Qaranka si ay awood ugu yeeshaan iney dalka kala wareegaan ciidamada AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]