Isniin, December, 04, 2017 (HOL) – Wasiirka arrimaha
dibadda ee Jordan ayaa Maraykanka uga digay cawaaqib halis ah haddii uu Qudus u
aqoonsado caasimadda Israa'iil.
Ayman Safadi ayaa sheegay in
uu wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson u sheegay in ku
dhawaaqidda arrintaas ay keensan doonto caro wayn oo ay qaadaan Carabta iyo
Dunida Muslimka.
Waxaa la isla dhexmarayaa in
madaxweyne Trump uu arrintaas ku dhawaaqi doono wakhti dhaw, isaga oo fulinaya
ballanqaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ol'olaha doorashada.
Jared Kushner oo uu sodddog u
yahay Trump ayaa sheegay in aysan jirin go'aan noocaas ah oo wali la qaatay.
Wasiirka arrimaha dibadda ee
Jordan Safadi ayaa Twitterka ku soo qoray: "Waxaan kala hadlay wasiirka
arrimaha dibadda ee Maraykanka Tillerson cawaaqibka xun ee ka dhallan doona in
ay Qudus u aqoonsadaan caasimadda Israa'iil.
Go'aankaasina uu keeni doono caro ay qaadaan Carabta iyo
Dunida Muslimka oo dhan, taas oo sii hurin doonta xiisadda, carqaladayn
doontana dadaallada nabadda".
Ma jirto jawaab cad oo ay
arrintan ka bixisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.
Ra'iisulwasaaraha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa isku
dayaya in uu raadiyo taageero caalami ah si uusan madaxweyne Trump ugu
dhawaaqin arrintaas.
Xafiiskiisa ayaa sheegay in uu
Axaddii wacay hogaamiyeyaasha caalamka oo ay ku jiraan madaxweynaha Faransiiska
Emmanuel Macron iyo hogaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Wuxuu doonayay "in uu
faahfaahiyo halista go'aankaste oo safaaradda Maraykanka loogu wareejinayo
Qudus ama lagu aqoonsanayo in ay tahay caasimadda Israa'iil", ayuu yiri
lataliyaha Cabbaas Majdi al-Khalidi oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.
Hogaamiyaha Falastiin ayaa
horay uga digay in arrintaas oo lagu dhaqaaqo ay halis galinayso xalkii la
raadinayay ee labada dal ahaa.
Israa'iil ayaa haysatay bariga Qudus tan iyo markii uu
dhacay dagaalkii Bariga Dhexe sannadkii 1967. Waxayna goosatay 1980kii. Waxay u
aragtaa in ay iyadu leedahay, laakiin shuruucda caalamiga ah waxay dhigayaan in
ay tahay dhul la haysto.
Israa'iil-na waxay Qudus u
aragtaa in ay waligeed ahaandoonto caasimaddooda aanan la kala qaybin karin.
Laakiin Falastiiniyiintu waxay
u arkaan Bariga Qudus in ay tahay caasimadda dalka ay Mustaqbalka yagleeli
doonaan.
Xukuumadihiii kala dambeeyay
ee Maraykanka waxay tan iyo 1948 taagnaayeen in mustaqbalka Qudus lagu
go'aamiyo wadahadal aysanna samaynin wax saamayn ku yeelan kara waxa ka soo
bixi doona wadahadalladaas.
Intii sannadkii hore lagu guda
jiray ol'olihii doorashada Trump wuxuu muujiyay in uu aad u taageersan yahay
Israa'iil wuxuuna ballan qaaday in uu amri doono in safaaraddooda loo raro
magaalada Qudus oo laga wareejiyo Tel Aviv, uuna arrintaas samayn doono
maalinta koobaad ee uu xafiiska la wareego.
Go'aankaas ayuuse dib u dhigay
tan iyo markii uu xilka qabatay, laakiin waxaa cirka isku shareeray wararka la
isla dhexmarayo ee sheegaya in laga yaabo in uu ku dhawaaqo arrintaas Arbacada.
Kushner oo la taliye muhiim ah u ah Trump oo Axaddii
hadal ka jeediyay xarun cilmi baaris ayaa diiday in uu arrintaas wax ka dhoho
wuxuuna sheegay in ay madaxweynaha u taallo waxa uu ka yeelayo arrintan uuna
shaacin doono wakhtiga ku haboon.
"Madaxweynuhu go'aan ayuu
ka qaadan doonaa arrintan waliba wuxuu ka eegayaa xaqiiqooyin kala duwan.
Markii uu go'aankaas gaarana,
isaga ayuu noqon doonaa qofka doonaya in uu idinkala hadlo, anigana ma
aha." ayuu yiri.
BBC