Madaxweyne Farmaajo oo daah furay shir heer caalami ah oo goor dhaw ka furmay Muqdisho
Isniin, December, 04, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah furay shirka wajigii labaad kulankii bishii May ee sanadkan ka dhacay magaalada London oo looga hadlayo xaalada Soomaaliya
Shirkan oo uu shir guddoominaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Maxamed Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb gelaya, Madaxda Dowlad gobolleedyada,Xubno
ka socda Beesha Caalamka, Taliyeyaasha Ciidamada iyo masuuliyiin kale.
Shirkaan ayaa daba socda Shirkii Bishii May ka dhacay Magaalada London ee looga
hadlaayay arrimaha Soomaaliya.
Maalintii shalay ayaa waxaa xarunta Madaxtooyada ka dhacay Shirka Golaha
Amniga Qaranka oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Farmaajo, ayna qeyb ka
ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda maamul goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka
Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Mas’uuliyiin kale.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]