Madal looga doodayey horumarada iyo caqabadaha ka jira dib u habaynta maamulka dowliga ah oo la soo gabagabeeyey
Isniin,
December, 04, 2017 (HOL) - Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha qaybtiisa Tayeeynta Hay’adaha
Dowladda (Capacity Injection Project CIP) ayaa maanta lagu soo
gabagabeeye Hotel Royal Palace. Madshan oo looga doodayey horumarada iyo
caqabadaha haysta Maamulka guud ee Hay’adaha dowliga ah ayaa waxaa ka soo qayb
galay maamul goboleedyada dalka, wasaaradaha dowladda, aqoon yahano ka kala
socday dalka dibadiisa iyo gudihiisa iyo qaybaha bulshada rayidka ah.
Waxyaalaha kulankaan looga dooday
ayaa waxaa ka mid ah:
1.
Dhisidda hey’adaha dawliga ah oo adkaysi u leh marxaladaha
isbedelada badan ee dalka jira.
2.
Tayada hey’daha dawliga ah oo lagu cabirayo waxqabad, la
qabsigooda iyo Xasiloonidooda (heer Federaal iyo heer maamul goboleedba).
3.
Doorka haweenku ku leeyihiin maamulka guud iyo shaqooyinka
hey’daha dawladda.
Ugu horeynta
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha mudane Saalax Axmed Jamac oo furitaanka shirka
khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraday heerarka kala duwan ee ay soo mareen
dhisida Hay’adaha dowliga kuwaas oo laf dhabar u ah horumar balaaran ee wadan
ku talaabasado
“Shirkaan waa ka duwan yahay shirarka
kale oo qabsooma, ujeedkiisuna waa inaan la imaano madal (Forum) looga doodado
horumarada shaqaluhu ay sameeyaan, shirkaan wuxuu la xariiraa maamulka iyo
maareynta, ee maahan mid saiyaasadeed, waxaan labada malin ee uu socda
looga doodi doonaa meesha aan ka nimid iyo halka aan higsanayno,
dalka horumarkiisu waa mid ku xiran in la helo shaqaale carbisan oo leh
hufnaan, karti iyo aqoon, taas ayaa ka turjumaysa sidii aan u gaari lahayn
Qorshaha Horumarinta Qaranka oo waxyaalaha dowladdu qabanayso mudnaanta u
kala leh” ayuu yiri Wasiir Salaax
Xiriiryaha
Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda (CIP) ahna qaban qaabiyaha madashan
Xassan Dirie ayaa dhankiisa sheegay in madashaan ay tahay tii ugu horaysay ee
dalka ka dhacda, waxaana ay noqon doontaa mid si joogta ah loo qabto sanad
kasta iyadoo hada ka dib lagu soo bandhigi doono daraasad laga soo sameeyey
hay’adaha dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.
Gabgabadii
Madasha ayaa waxaa qodobadii ka soo baxay saxaafada u akhriyey Agaaismaha guud
ee Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxman Yusuf Al-cadalah.
1. Ka
qaybgalayaashu waxay isla garteen baahida loo qabo in lahelo sharciyo iyo
siyaasado qeexan oo kala xadidaya siyaasadda iyo maamulka hay’adaha dowladda.
2. Madashu
waxay soo jeedinaysaa in ahmiyad gaar ah la siiyo in masuul kasta oo loo
magcaabayo xil lagu taxgaliyo inuu xirfad u leeyahay shaqada uu qabanayo.
3. In maamulada
kala gadisan ee heer federal iyo heer mamaul goboleed ay kala fa’iidaystaan
xirfadaha iyo waayo aragnimada dhexdooda ah.
4. Madashu
waxay isla garatay baahida loo qabo in la kordhiyo tayada iyo xirfadaha
shaqaalaha ka howlgala hay’adaha kala gadisan ee dowliga ah.
5. Madashu
waxay ku boorinaysaa xarumaha waxbarashada sare ee dalka in ay ku saleeyaan
manahajyadooda baahida xirfadeed ee ka jirta dalka isla markaan ay dib u
qiimeeyaan tayada ardayda ay soo saarayaan.
6. Madashu
waxay isla garatay ahmiyada ay leedahay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed ee
xirfad la’ah uu ka shaqayn karo dalka oo dhan aana laguna xadididin gobol iyo
degaan gooni ah, badalkeedana loo tixgaliyo xirfada uu u leeyahay shaqda.
7. Ka qayb
galayaashu waxay soo jeediyeen in la joogteeyo shirarka noocaan ah iyadoo la
isku raacay in sanadkiiba mar la qabto, shirkaan midka xigana waxaa loo
qorsheeyey in la qabto October 2018.
8. Ka qayb
galayaashu waxay adkeeyeen muhiimada ay leedahay ilaalinta xuquuda shaqaalaha
iyo u dhamaytirida qalab iyo xafiisyo ku filan oo ay ku gutaan waajibaadkooda
shaqo.
Ugu danbayn
madashu waxay u mahad celisay Bangiga Aduunka oo fududeeyey qabsoomida
kulankaan, Xooghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,
Howlwadeenada Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda, gudiga shaqaalaha rayidka
ah, Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada, oo dhamaantood suuragaliye
qabsoomiada Madashaan, waxaa sidoo kale u mahadcelinaysaa aqoonyahanada
talooyinka ka soo jeediyey iyo masuuliyiinta heer federaal iyo heer maamul
goboleed ee ka soo qayb galay Madashan kuna soo siyaadshay khibrad lixaad leh
intii ay socotay.
Xigasho : Wasaaradda Maaliyada
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]