4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 4 , 2017
Jidadka Muqdisho oo saakay intooda badan xiran

 

Isniin, December, 04, 2017 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray qeybo ka mid ah jidadka ugu muhiisan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Xirnaashaha waddooyinka ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana saaka la arkayay, iyagoo dadka lugeynaya.

Sababaha loo xiray jidadka Muqdisho ayaa lagu sheegay shirar muhiim ah oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kuwaa oo looga hadlayo guud ahaanba Amniga dalka iyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Waddooyinka xiran ayaa halbowle u ah isku socodka degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana saakay lagu arkayay ciidamo fara badan.

Sidoo kale waxaa xiran wadada Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo laga joojiyay gadiidka koontaroolka Siinka Dheer.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]