4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 4 , 2017
Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka


Isniin, December, 04, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagu gorfeeyey xaaladda amni ee dalka, xoojinta wada shaqeynta hay’addaha amniga ee heer Federaal iyo heer goboleed iyo mideynta qorsheyaasha ka dhanka ah Al-shabaab.

Taliyayaasha ciidamada Qalabka Sida ee qaybta ka ahaa shirkan ayaa iyaguna Madaxda Qaranka u soo bandhigay halka ay marayaan qorshayaasha dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo xogta ku saabsan howlgallada socda ee dalka.

Shirkan waxaa ka qayb galaya xubnaha golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, ra’iisal wasaare ku-xigeenka, xubno ka tirsan golaha wasiirrada dowladda Federaalka, Taliyayaasha ciidamada Qalabka Sida, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]