4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 3 , 2017
Maalinta Naafada Aduunka oo Muqdisho laga xusay


Axad, December, 03, 2017 (HOL) -Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ee Naafadada Aduunka 03d December ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho iyadoo ay ka soo qeybgaleen Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira xildhibaanno iyo Wasiiro, Culuma’udiin iyo qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, .

Ugu Horeyn Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in loo baahanyahay dadka qaba baahiyaha gaarka in la tixgaliyo loona naxariisto oo garabkooda la istaago, waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ugu baaqay in  qeyb ka siiso fursadaha shaqo ay bixiso dadka naafada ah.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa  oo munaasabadani maalinta Naafada Aduunka soo qaban qaabiyay  ayaa sheegay in munaasabadaan ay leedahay ahmiyad gaar ah islamarkaana loogu talo galay dadka qaba baahiyaha gaarka ah, waxaana uu sheegay sababta munaasabadani uu u qabtay in ay tahay in uu dhiira galiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba waxaana uu sheegay in meel wanaagsan ay mareyso qorshaha sidii dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay u heli lahaayeen sharci taasi oo la doonayo in baarlamaanka uu ansixiyo Sharciga dadka baahiyaha gaarka qaba.

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka Dalka Marwo Xaawo Yuusuf aayaa sheegtay ka guddi ahaan in ay gacan ka geysan doonaan sidii dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay u heli lahaayeen xuquuqaha ka maqan islamarkaana ay qorsheynayaan in Dowladda ay mudnaan siiso dadka naafada shaqooyinka la soo dhajiyana qoondo ay ka helaan tusaale qeybtaan waxaa iska leh dadka naafada ah in la yaraahdo si mooraal ay ugu noqoto.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa muujiyay sida ka xildhibaanno ahaan ay u garab taaganyihiin dadka baahiyaha gaarka qaba waxaana uu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay u heli lahaayeen midnimo, waxaana uu u mahadceliyay Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo soo qaban qaabiyay  munaasabadaasi kuna ammaanay sida mar walbo uu ugu warqabo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisiis Saalax Carmaan oo munaasabadda soo xiray ayaa munaasabdda ka sheegay in dadka Naafadaha ay mudan yihiin in la Dhiiro galiyo islamarkaana door wanaagsan ay ku yeeshaan horumarada Bulshada, isagoo carabka ku adkeeyay ka wasaarad ahaan ay diyaar u yahiin in mar walba ay u adeegaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Qaar Ka Mid Ah dadka baahiyaha gaarka qaba oo iyana hadlay ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in loo sameeyo Wasaarad u gaar ah, waxaana ay sheegeen In aanba laga warqabin, sidoo kale waxay xukuumadda ka codsadeen in looga saaro dadka degan Xaruumihii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

03da December ayaa ah maalinta caalamiga ah ee loo aqoonsaday  naafada adduunka, waxaana loogu talagalay in lagu dhiiro galiyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Mustaf Hussien  
[email protected]