4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 3 , 2017
Guddiga doorashooyinka Qaranka oo shahaadooyin guddoonsiiyay 8 xisbi siyaasadeed


Axad, December, 03, 2017 (HOL) – Guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka ayaa munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho markii ugu horeysay Shahaado Aqoonsi ah ku guddoonsiiyay ilaa 8 Xisbi siyaasadeed.

Xisbiyadan la siiyey Shahaadooyinkan ayaa la sheegay in ay soo buuxiyeen shuruudihii loogaga baahnaa in loo Aqoonsado xisbi siyaasadeed.

Waxaa ka qeybgalay munaasabada guddoomiyaha gollaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Khadar, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale..

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ku hadleysay Magaca Xisbiyada Siyaasadeed ayaa sheegtay in dhibaato badan loo soo maray sidii dalka uu Xisbiyado siyaasadeed uu ku yeelan lahaa.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan “Jawaari” ayaa wuxuu sheegay in nidaamka Xisbiyadda badan Soomaaliya si weyn ugu baahan tahay loogana gudbi karo wax yaabo badan oo dhibaato ku haya Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa lagu wadaa doorashada 2020ka in ay ka dhacdo doorasho ay ku tartami doonaan Xisbiyo siyaasadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]