4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 3 , 2017
Dad ku waxyeeloobay Duqeeymo ka dhacay J/hoose oo la dhigay Isbitalka Kismaayo


Axad, December, 03, 2017 (HOL) – Isbitalka guud ee magaalada Kismaayo ayaa la keenay ilaa sedex qof oo ay waxyeelo kasoo gaartay duqeeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen deegaan hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka J/hoose.

Mudaneyaal ka tirsan baarlamanka dowlad goboleedka Jubbaland oo bukaanada ku booqday Isbitalka Kismaayo ayaa sheegay in dadkani ay duqeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay leedahay dowladda Mareeykanka.

Xildhibaan Bashiir Max'ed Baahale iyo Xildhibaan Axmed Taajir oo kamid ah mudaneyaasha baarlamanka Jubbaland kana mid ahaa masuuliyiintii kormeeray dadka la dhigay Isbitalka ayaa sheegay in arrintani ay tahay mid aad looga xumaado una baahan in si degdeg ah wax looga qabto.

"Ciidamada cirka Mareeykanka ee dowladda ka caawiya la dagaalanka Shabaab waxaan ka codsaneynaa in ay ilaaliyaan badqabka shacabka, looma dulqaadan karo in dad aan waxba galabsan la beegsado," ayuu yiri Xildhibaan Axmed Taajir.

Masuulkan ayaa sheegay in sedexda qof ee la keenay Isbitaalka ay kala yihiin laba rag ah iyo hal dumar ah, isagoo xusay in xilligii ay duqeeymaha dhacayeen ay ku sugnaayeen tuulo lagu magacaabo Waraabis oo qiyaastii 18KM u jirta degmada Afmadow.

"Dadkan waxay ahaayeen ilaa afar qof, laba dumar ah iyo laba rag ah, laba gantaal ayaa lagu soo riday, kii 1-aad way ka badbaadeen kii labaad ayaa haleelay, hal gabar ayaa badbaaday sedexda kalena dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray," ayuu xildhibaanku hadalkiisii raaciyay.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareeykanka ayaa hore loogu eedeeyay in ay dad shacab ay ku duqeeyeen gobolka Gedo iyo qeybo ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.