4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 3 , 2017
Galmudug iyo Ahlu Sunna oo soo bandhigaya qodobada ay ku heshiiyeen

 

Axad, December, 03, 2017 (HOL)–Waxaa heer gabagabo ah ku dhaw wada hadalo todobaad ka badan uga soconaya dalka Jabuuti maamulka Galmudug iyo hogaamiyayaasha Ahlu Sunna Waljameeca oo siyaasad ahaan siweyn uga soo horjeeday guud ahaanba jiritaanka iyo dhismaha maamulka Galmudug.

Wararka ka imanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kala saxiixday heshiis lagu wado in dhawaan la shaaciyo.

Waxaa saxiixa heshiiskan goobjoog ka ahaa xubno ka socday Ahlu Sunna Galmudug, dowladda federaalka iyo IGAD.

Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa isu soo dhowaansho ka muujiyay Khilaafaad horay u ragaadiyay labada dhinac, waxaana haatan isku raaceen in ay ku midoobaan maamul mid ah.

Magaalada Muqdisho ayaa ugu danbeyntii lagu waddaa in lagu soo bandhigo heshiiska rasmiga ah ee labada dhinac, iyadoo ay goob joog ka noqon doonaan mas’uuliyiinta dowladda, Ururka gobolleedka IGAD iyo beesha caalamka intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]