4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 3 , 2017
Jaaliyadda Hirshabeele ee Minnesota oo Kulan Taageero ah sameeyay Madaxwayne Waare, SAWIRO iyo VIDEO

Axad, December, 03, 2017 (HOL) –Jaaliyadda Soomaalida Minnesota gaar ahaan Jaaliyadda ka soo jeeda maamul goboleedka Hirshabeele ayaa qabtay kulan aad u balaaran oo ay ku taageerayeen madaxwaynaha cusub ee  Hirshabele  Maxamaed Cabdi Waare ,isla markaana ay ku xusayeen sanadguuradii 1aad ee ka soo wareegtay  aasaaskii Maamul goboleedka Hirshabeele,

Xafladaan oo lagu qabtay xarunta way nee shirarka iyo xafladaha ee Grand Veiw Hall ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadwayne aad fara badan oo isagu jiray Culumodiin ,Aqoonyahano ,Siyaasiin,Odayaasha Waxgaradka ah ee reer Minnesota, Salaadiin, Dhalinyaro, iyo Haweenka.

Waxaa halkaa laga jeediyey khudbado lagu taageeraayay madaxwaynaha Cususb ee hirshabeele iyo Maamulkiisa.

Maxamed Ciise Muuday oo xubin ka ahaa dadkii soo qabanqaabiyey ayaa HOL u sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin doorashada Baarlamaanka Hirshabele ay u doorteen Aqoonyahan Waare uuna ahaa shaqsi ku haboon qabashada xilkaas sidaa dardeedna ay taageeradiisa darted ay caawa isagu yimaadeen intaan oo qof,

Waana xafladd kulmisay taageerada madaxwaynaheena iyo sanadguuradii Hirshabeele aasaaskeeda, Muudey waxaa kaloo aad ugu mahadceliyey madaxwaynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamud oo ku tilmaamay shaqsi kaalin wayn ka qaatay dhisida Maamaulka Hirshabale.

Intii ay xafladdu Socotay ayaa lagu soo bandhigay Heeso iyo gabayo kala duwan oo looga hadlaayey Maamulka Hirshabale iyadoo ay ka dhexmuuqatay Xidigta Fanka ee Waqooyiga Ameerica Hodan Cabdiraxmaan Dheere.

Ugu danbayntii xafladii xalay ayaa ku soo dhamaatay jawi farxad leh iyadoo ay aad uga maqsuudeen dadwaynahii ka soo qaybgalay.

Siyad Said Salah

[email protected]

Hiiraan Online

Minneapolis, MN