4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 3 , 2017
Shir ay ku dhawaaqeen madaxda Dhaqanka gobollada Sool, K/Sanaag iyo Buuhoodle

 

Axad, December, 03, 2017 (HOL) – Guddi ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Buuhoodle kuwaas oo isku soo dubaridi doona Shirweyne ay yeelanayaan Beelaha dega Gobolada Sool, Koonfurta Sanaag iyo Buuhoodle.

Shirkan oo ay ku dhawaaqeen Madaxda dhaqanka ayaa ahaa mid dhawrjeer dib u dhac uu ku yimi, waxaana hada la shaaciyey 27 xubnood oo la sheegay in ay ahaan doonaan gudiga qabanqaabada shirka ay beelahaasi yeelan doonaan.

Garaad C/salaan Xassan Maxamed Afhayeenka madaxda Dhaqanka oo aan la xidhiidhnay ayaa waxa uu sheegay in gudigaasi jiraan islamarkaana uu shirkani ahaa mid duruufo jirey oo abaartii baahsanayd ay ka mid ahayd u qabsoomi Waayey.

"Waa mid u furan dhamaan bulshada SSC in ay ka soo qayb galaan. ha ahaado mid Somaliland ka tirsan ama Puntland ama Khaatumo, amaba waxkale ha aaminsanaado, waxaa laga rabaa in talo laysu keeno oo laga arinsado wixii bulshadani ku midoobi lahayd ee masiirkeeda noqon lahaa" ayuu yidhi Garaad C/salaan.

Sidoo kale Maxamuud Warsame Cali oo ka mid ah gudiga la magcaabay waxa uu sheegay in gudi ahaan hawlo badan iyaga sugayaan, oo ay ka mid tahay, xiliga Suuragalka ay tahay ee shirka la qaban doono, ergooyinka ka soo qayb gelaya, dhaqaalaha uu shirkaasi u baahan yahay iyo qaabaynta Ajandaha,

Shirkan oo mudo dheer lagu soo celceliyey qabsoomidiisa ayaa la sheegay waqtiyo kala duwan lagu qaban doono magaalada Buuhoodle, taas oo ka feydan dhulka ay si toos ah u maamulaan maamulada Somaliland iyo Puntland, kuwaas oo uu shirkani keeni karo waxyaabo aanay raali ku ahayn.

Golaha madaxada dhaqanka oo gaadhaya 15 ayaan wax khilaaf ah ka muujin in shikaasi beel ahaan laysugu yimaado isla markaana uu ka dhoco magaalada Buuhoodle.

Maamulka Khaatumo oo laba garab ah ayaan shirkaas saamayn ku yeelan doonin sida ay qirayaan xogo laga helayo madaxda dhaqanka, waxase aan meesha ka madhnayn in shirkan uu sababteeda lahaa Prof. Cali Khaliif Galayr oo hogaan u ah maamulka Khaatumo ka dib markii uu wadahadal la galay Somaliland.

2012kii ayaa shir kan oo kale ah oo beelahani u dhanyihiin lagu qabtay magaalada Taleex ee G. Sool kaas oo uu ka dhashay maamulka Khaatumo, haddaba waxaa isweydiintu tahay Soomaliland oo Shirkaas hore gacan siisay kan sidee ayay yeeli doontaa, Puntland oo feejignaan ka qabtey kii hore iyo kanba maxaa laga fili doonaa, door intee leeg ayay dawlada federaalka ahise ku yeelan doontaa?

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G/Sool