4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 3 , 2017
Wasiir Khadiija’’ Dad ayaa dhahaya markii ay dantooda ka waayeen dowladda madaxweynaha ayaan mooshin ka wadnaa

 

Axad,  December, 03, 2017 (HOL) –  Wasiirka Dhalinyarrada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo xalay khudbad ka jeedineysay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka xukuumadda ayaa sheegtay in ay jiraan shaqsiyaad diyaarinaya mooshin ka dhan ah madaxweynaha.

“Waxaa maalmahan socda wax yaabo cusub oo ka duwan wixii horay loo arki jiray, beeni raad ma leh, mooshinka waxaa caado aheyd in Ra’iisul Wasaare lix bilood jooga in la bedelo, baarlamaanka ma bedeli jirin, mooshinka kow waxaa bilaabi jiray madaxweynihii Ra’iisul Wasaariha keena, ayaa dhihi jiray lix bilood ka bacdo markii dalqadiisa Arki waayo iyo dantiisa Gaarka aheyd orda oo iga soo bedela, maanta Madaxweyne Farmaajo damac kale iyo dalqad kale oo u furan ma jirto oo aan aheyn Danta, Dalka iyo Dadka, wuxuu bedelay wixii horay oo dhaqan horay loo yaqiin ayeey tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Khadiija ayaa sheegtay markii la waayay madaxweyne dhaha ra’iisal wasaaraha haleyga badalo in qaar ka mid ah xildhibaannada bilaabeen diyaarinta mooshin ka dhan ah madaxweynaha iyaga oo leh kor ayaan ka soo bilaabeynaa.

“Dad ayaa raba inay mooshinka keenaan oo ay dhahaan kor ayaa ka soo bilaabeynaa Madaxweynaha ayaa aadeynaa, Meyd macal jameeca yaa raxma, tan tii ma ahan, dad baa raadinaya wixii ay raadin jireen, kuwii shalay maa maanta raba inay xukunka qabtaan, waa ognahay meesha ay joogaan Imaaraadka iyo Nairobi, haddaan rabo magacyadooda waa sheegi karaa hebel iyo hebel, Cadkaanu ku cuni ama ku ciideey waa soo dhamaatay ”ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Wasiir Khadiija ayaa siweyn u amaantay doorka ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo sidda ay hadalka u dhigtay noqday ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay ee hela codka ugu badan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

‘’Madaxweynaha markii uu soo magacaabay ra’iisal wasaaraha baarlamaanka hortiisa ayuu ka sheegay isaga oo yiri waxaa soo magacaabay ra’iisal wasaare Anniga iga fiican, ra’iisal wasaarahana waxaa uu soo magacaabay Wasiiro isaga ka fiican,’’ ayeey tiri Khadiijio Maxamed Diiriye.

Kulanka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa ka qeybgalay oo ka hadlay Wasiirro ay ka mid ahaayeen, Maaliyada, Qorsheynta, Duulista Hawada iyo Amnig oo dhamaantood khudbado ka jeediyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]