4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 3 , 2017
Al-shabaab oo soo bandhigay Labo Askari oo isku soo dhiibay

 

Axad, December, 03, 2017 (HOL) -- Al-Shabaab ayaa magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ku soo bandhigay Labo Askari oo sidda ay sheegeen ka tirsanaa ciidamada maamulka Jubbaland.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegay in ay ka soo baxeen Labada Askari ciidamada maamulka Jubbaland.

Raggan la soo bandhigay ayaa sheegay in ay ka soo goosteen maamulka Jubbaland, iyaga oo intaa ku darray in ay kala ahaayeen Taliyihii Saadka ciidamada Buula-Gaduud oo magaciisa ku sheegay Isaaq Ibraahim Gurbaaniyo iyo sarkaal kale oo dagaal galiye ahaa oo lagu magacaabo Xuseen Aadan Ibraahim oo ku magac dheer Miino.

Jubbaland wali kama aysan hadlin Ciidamadaan Shabaab ay sheegeen in ay kasoo goosteen dhanka Jubbaland.

Al-shabaab ayaa marar badan ooh ore sidan oo kale soo bandhigay rag ay ku sheegeen in ay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo isa soo dhiibay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]