4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 3 , 2017
Dowladda oo sheegtay in ay isku soo dhiibeen in ka badan 50 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab

 

Axad, December, 03, 2017 (HOL) -- Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay is ku soo dhiibeen ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya sidda uu hadalka u dhigay isku soo dhiibeen 54 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab tan iyo wixii ka danbeeyay dhacdadii 14kii October ee Isgoyska Zoobe.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda gacanta ku dhigeen ilaa 63 dagaalyahano oo ka trsan Al-shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda ragga ay qabteen uu ka mid ahaa sitay dhabar ay dumarka xirtaan ee Xijaabka.

Waxaa  uu ugu baaqay dadka shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]