4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 3 , 2017
Mukhtaar Rooboow oo markii ugu horeysay kormeeray saldhigyo ciidan

 

Axad, December, 03, 2017 (HOL) --Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa deegaanno ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool ayaa markii ugu horeysay booqday saldhigyo ciidan oo ku yaala magaalada Baydhabo.

Mukhtaar Rooboow oo kol hore isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo, iyadoo dadweyne fara badan ay soo dhaeeyeen caleema.

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed Nuuradiin Gacma ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu kormeero qeybo ka mid ah magaalada oo ay ku jiraan goobo uu isaga codsaday, balse aanay xilligan warbaahinta ka sheegeyn.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Gacma ayaa sheegay in maalmaha soo socda la faah faahin doonno ujeedada safarkiisa iyo meelihii uu booqday, marka ay soo idlaadaan kulamada.

Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay inuu doonayo in guluf dagaal uu ku qaado Al-Shabaab, waxaana la sheegay in Maamulka Koofur Galbeed kala hadlayo sidii taageero loo siin lahaa maleeshiyaad taageersan oo ku sugan Gobolka Bakool.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]