Degmooyinka gobolka Gedo oo loo dhisayo Ciidamo Boolis ah
Khamiis, December, 28, 2017 (HOL) – Golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta isugu yimid kulankoodii Khamiislaha aha ayaa waxay uga hadleen arimo kala duwan, oo ay kamid tahay sidii ciidamo boolis ah loogu dhisi lahaa degmooyinka gobolka Gedo, iyo weliba in dib u habeyn lagu sameeyo wasaaradaha Isboortiga iyo Haweenka ee Jubbaland.
Kulanka golaha wasaa shir gudoominayay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam, waxaana intii uu socday warbixinno laga dhageystay qaar kamid ah wasaaradaha.
Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubbaland Mudane C/nuur Cali Aadan oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu shirku soo idlaaday ayaa sheegay in arimihii shirka looga hadlayay ay qeyb ka tahay sidii degmooyinka gobolka Gedo loogu sameeyn lahaa ciidamo Boolis ah, arrintaa oo uu sheegay in goluhu isku raacay, la iskuna afgartay in si degdeg ah howshaan loo fuliyo.
Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale goluhu warbixinno ka dhageysteen wasiirada wasaaradaha Isboortiga iyo haweenka ee Jubbaland, kuwaa oo uu sheegay in ay soo bandhigeen waxyaalihii u qabsoomay.
“Qodobada looga hadlay kulanka waxaa kamid ahaa in dib u habeyn lagu sameeyo wasaaradaha Isboortiga iyo haweenka,” ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.
Shirka Khamiislaha ee golaha wasiirada Jubbaland ayaa inta badan diiradda lagu saaraa dhacdooyinka ugu waaweyn ee ka jira Jubbaland.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Rodol “waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaan marna ogolaan doonin Somaliland in hawadeeda meel kale laga maamulo”
- Askari ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu dilay Qarax ka dhacay degmada Buula-burte
- Madaxweyne Farmaajo : waxaan badalnay dhaqansiyaasadeedkii hore ee dhibaatada u keenay dalka
- Daawo Sawirada munaasabad xarigga looga jaray xarunta maamulka Hawada
- Cali Khaliif Galeyr oo fariin u diray madaxweynaha cusub ee Somaliland
- Qaramada Midoobey oo sheegtay in Malaayiin ruux u baahan yihiin gargaar Bani'aadannimada
- Dowladda Soomaaliya oo laga dalbaday in ay fargaliso Xiisada ka taagan degmada Beled-Xaawo
- Dowladda Soomaaliya oo maanta la soo wareegeysa maamulka hawada
- Madaxweyne Waare : Deegaannada Hirshabeelle waxaa saaran culeys uga imanaya Al-shabaab


