3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 22, 2017
Ra'iisal wasaare Kheyre oo soo gabagabeeyay Tarantankii kubadda Cagta maamul gobolleedyada

 


Jimco, December, 22, 2017 (HOL)–Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ugu danbeyntii soo gabagabeeyay Tartanka Kubadda Cagta maamul gobolleedyada oo ay ku guuleysteen Cayaartooydii ku cayaarayay magaca maamul gobolleedyada Jubbaland.

Kooxda Kubadda Cagta Jubbaland ayaa 1-0 uga adkaatay Xiddigihii ku cayaarayay magaca maamulka Puntland, waxaana muuqata in Jubbaland  ka Aargoosatay Puntland oo sanadkii hore ka qaaday Koobka , waxaana maanta ay soo bandhigeen Ciyaar aad u wanaagsan.

Jubbaland ayaa Goolka dhalisay daqiiqadii 74aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana markii garsooraha uu ku dhawaaqay seeriga inay dhamaatay ciyaarta ayaa waxaa ciyaartooyda iyo taageerayaashooda ay bilaabeen dabaal dega.

Ra’iisl wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa Koobka guddoonsiiyay xulka Kubadda Cagta Jubbalanad, sidoo kalana waxaa la bixiyay abaalmarino kala duwan oo la siiyay cayaartooy ka tirsaneyd kooxihi ka qeybgalay tartanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/22/2017 12:57 PM EST
Jimco, December, 22, 2017 (HOL) – Madasha Tala-Wadaag oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweysay sii deynta siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay maxkamada gobolka Banaadir dib xoriyadiisa ugu soo celisay.

12/22/2017 11:46 AM EST
Jimco, December, 22, 2017 (HOL) – Shan Caruur ah ayaa lagu waramayaa ay ku dhinteen Ban ay ku cayaarayeen habeennimadii Khamiista deegaan lagu magacaabo Banisa oo ka tirsan degmada Mandera.

12/22/2017 10:45 AM EST
Jimco, December, 22, 2017 (HOL)–Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada ayadoo ay ka muuqatay farxad iyo reynreyn, kadib markii

12/22/2017 8:22 AM EST
Jimco, December, 22, 2017 (HOL)-Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dadaal ugu jira sidii Golihiisa Wasiirada codka kalsoonida uga heli lahaayeen Xildhibaanada, kaddib markii shalay uu dib ugu laabtay magaalada Jowhar.

12/22/2017 6:35 AM EST
Jimco, December, 22. 2017 (HOL)-Garoonka Koonis Stadium gobolka Banaadir ayaa galabta lagu soo gaba-gabeyn doonaa tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya oo ka soconayo caasimadda Muqdisho, waxaana sanadkii labaad oo xiriir ah Finalka is keenay Puntland iyo Jubbaland.

12/22/2017 5:44 AM EST
Jimco, December, 22. 2017 (HOL)-Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlad Goboleedka Puntland.

12/22/2017 1:26 AM EST
Jimco, December, 22, 2017 (HOL) - Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay qaraar ka hor imanaya go’aankii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Caasimadda Israel ugu aqoonsaday magaalada Quddus.

12/22/2017 1:17 AM EST
Jimco, December, 22, 2017 (HOL)-Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay u baahan taageero Maaliyadeed oo lagu kalsoonaan karo si looga guuleysto dagaalyahannada ururka Al-Shabaab.

12/22/2017 1:06 AM EST
Jimco, December, 22, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa ku baaqay in ciidamada ammaanka ee gobolka Banaadir si toos ah loo hoos keeno maamulka gobolka si wax looga qabto ammaanka Muqdisho.

12/22/2017 12:57 AM EST
Jimco, December, 22, 2017(HOL)–Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen War ka soo saaray dalabkii Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ee ahaa in Xasaannada lagala noqdo labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.