4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 2 , 2017
Maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha dowladda iyo AMISOM oo munaasabad xil wareejin ah uga qeybgalay Maxaas

 

Sabti, December, 02, 2017 (HOL) – Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaa lagu qabtay munaasabad xil wareejin ah oo ay ka qeybgalleen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Maxaas Maxamed Cabdi Cawaale ayaa xilka kala wareegay guddoomiyihii ka horeeyay Muumin Maxamed Xalane, waxaana goobta khudbado ka jeediyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka AMISOM.

Mas’uuliyiinta maamulka iyo saraakiisha ciidamada dowladda ayaa maalintii shalay weerar Dhabo-gal ah kala kulmay xoogagga Al-shabaab xili ay ku sii jeedeen degmada Maxaas, waxaana la sheegay in weerarkaasi uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]