4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 2 , 2017
Dadka ku dhaqan Dhadhaab oo ka cabanaya shaqo dhimis ay sameeyeen hay’addaha Samafalka

 

Sabti, December, 02, 2017 (HOL) – Bulshada ku dhaqan Xeryaha Dhadhaab oo ay ku nool yihiin Qaxootiga ugu dabadan ee Soomaaliyeed ayaa maalintii Afaraad dhigaya dibadbaxyo cabasho ah.

Dibadbaxyadan ayaa ka danbeeyay kaddib markii ay hay’addaha samafalka ee ka howlgala Dhadhaab gaar ahaan hay’adda Qaxootiga ee UNHCR ay sheegtay in ay dhimeyso qaar ka mid ah shaqalaheeda u dhashay deegaanka

Shaqa dhimida ayay hay’adda UNHCR ku micneysay dhaqaale la’aan soo wajahday hay’adda kadib markii ay hoos u dhaceen Qaxootiga ku jiray xeryaha Dhadhaab.

Qaxootiga oo horey tiradoodu ka badneyd 400,000 Kun ayaa hadda waxay gaarayaan ilaa 230,000 sida ay Hayada UNHCR sheegtay taasi ayaa keentay in dhaqaalihii caalamka ay siin jireen UNHCR hoos u dhacay ku yimaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]