Sabti, December, 02, 2017 (HOL) – Madaxweynaha
dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta
dalka dib ugu soo laabtay, kaddib ka qeybgalkii caleema-saarka Madaxweynaha
Kenya Uhuru Kenyatta iyo Shir-madaxeedkii Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee
ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada ayaa lagu
faah faahiyay safarkii Madaxweynaha ee dibadda iyo shirarkii uu ka soo qeyb
galay, gaar ahaan shir madaxeedkii Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.
Shirkan oo muddo labo cisho ah socday ayaa
waxyaabihii madaxdii halkaas isugu timid ay isku afgarteen waxaa kamid ahaa in
labada qaaradood ee dariska ah ay yeeshaan mustaqbal wadaag dhabaha u xaaraya
iskaashi buuxa oo dhex mara dalalka Afrika iyo Yurub.
Mawduuca shirka ee sanadkan ayaa waxaa loo doortay
arrimaha dhallinyarada iyada oo ay kasoo qeyb-galeen dhallinyaro ka socota
labada qaaradood si ay uga warbixiyaan xaaladahooda iyo himilooyinkooda
mustaqbalka.
Arrimaha Madaxda Afrika iyo Yurub ay isla qaateen
ayaa waxaa ka mid ah in si deg deg ah looga jawaab celiyo dhibaatooyinka isa
soo taraya ee dalka Liibiya ku haysta kumannaanka Muhaajiriinta Afrikaanka ah,
iyadoona loo xil saaray arrinkan in ay warbixin iyo baaritaan ka soo sameeyaan
diblumaasiyiin uu hoggaaminayo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika
Mudane Maxamed Cali-Nur Xaaji.
Sidoo kale, Madaxdii halkaas isugu timid waxa ay
isku afgarteen in la ixtiraamo madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee
dalalka labada qaaradood, isla markaasna laga hortago in dowlado sharci ah lagu
rido nidaam aan dastuurka dalalkaas waafaqsaneyn, lagana fogaado faragelinta
arrimaha gudaha ee dal kamid ah dalalkan bah-wadaagta ah.
Dhanke kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo
Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf-Garaad
Cumar ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Lithuania Mudane Linas Linkevičius, iyaga
oo kala saxiixday heshiis lagu abuurayo xiriir diblomaasiyadeed oo dhex mara
labada dowladood. Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la qaatay Wasiir Ku Xigeen
Arrimaha Dibadda ee Romania oo ay isku afgartay in dib loo yagleelo xirriirkii
ka dhaxeeyay labada dowladood, iyadoona sido kale la isla meel dhigay in ay
iska kaashadaan dhinacyada wax soosaarka, tayeynta adeegyada caafimaadka iyo
waxbarashada.
Madaxweynaha ayaa intii uu socday Shir-Madaxeedka
labada qaaradood ee Afrika iyo Yurub waxa uu kulamo gaar ah la yeeshay
Madaxwyenaha Ivory Coast Alassane Ouattara, Rai’iisul Wasaaraha Sweden Stefan
Löfven, Ra’iisul Wasaaraha Finland Juha Sipilä, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee
Ingiriiska Boris Johnson, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres
iyo Madaxweynaha Baanka Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.
Madaxda Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ku
heshiiyay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika iyo Yurub ay
yeeshaan kulan sanadle ah si loo xoojiyo xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsi
ee labada qaaradood.
Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeybgalay shirkan ayaa
waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane
Yuusuf-Garaad Cumar, Dajiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya Mudane Maxamed
Calinuur Xaaji, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane Cali Siciid Faqi,
La-taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Mudane Balal Cusmaan
iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Barlamaanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]